Sheikh Umul: Waa la yaab in Kenya xanibto hantideyda

Mareeg.com: Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka tirsan wadaada ku nool magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa iska fogeeyay inuu taageero Ururka Al Shabaab.

Dowladda Kenya, ayaa Arbacadii si rasmi ah u xanibtay account-kii uu Sheekh Umul ku lahaa Bankiga Kenya, ka dib markii uu ka mid noqday dad ay Dowladda Kenya ku tuhuntay inay taageeran Al Shabaab.

“Wax aad loola yaabo weeye in Kenya ay hantideyda xanibto amaba ay igu eedeyso inaan Al Shabaab taageero” ayuu yiri Umul.

Waxa kaloo uu yiri “Arrintan aniga iska dhaafee qof kasta ayay yaab gelineysaa, maxaa yeelay waala ogyahay halka aan kala joogno aniga iyo Al Shabaab.”

“Aniga ahaan aad ulama yaabayo in la igu eedeeyo inaan taageero Al Shabaab, maadaama aan ogahay inaan nimankaasi taageerin, nafteedana way ogtahay. Wax is bedel ama saamayn ah iguma yeelan doonto.” ayuu yiri Umul.

Sheekh Umal, oo ah wadaad ganacsade ah, islamarkaana maamulka Masjid weyn oo ku yaalla Nairobi ayaa mar taageersanaa jiray Alshabaab, balse sanadkii 2009 ayaa ka laabtay.

Dhowr jeer ayuu Umul sheegay in Alshabaab ugu hajnabeen iney dili doonaan, waxaana haataan taas ugu darsantahay in dowladda Kenya ku eedeysay inuu Alshabaab gacan siiyo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245