Uhuru Kenyatta oo Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uhuru Kenyatta oo Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu maanta Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi ku qaabilay Danjiraha Somalia ee Somalia u joogi doono Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan,  Ammaanka iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Ambassador  Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay qaabilaadaasi ayaa sheegay in iskaashiga Wadajirka ee Somalia iyo Kenya ee La-dagaalanka Alshabaab oo iyagu khatar ku ah Ammaanka Labada Waddan, kan Bariga Afrika iyo Caalamka oo dhan.
Webka-1-300x200
Kulanka Qaabilaadda ee Madaxweynaha Kenya  iyo Danjiraha cusub ee Somalia uga wakiilka ah Kenya waxaa goob-joog ka ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amino Mohamed iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya.Webka

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!