Uhuru Kenyatta oo shaaciyey dhismaha Xabsi u gaar ah Xag-jirayaasha. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uhuru Kenyatta oo shaaciyey dhismaha Xabsi u gaar ah Xag-jirayaasha.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Xaflad ay ku qalin jebiyeen  in ka badan labo kun oo Askari oo ka tirsan Ilaaladda Xabsiyadda dalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in la dhisi doono Xabsi  cusub oo u gaar noqon doono Dembiilayaasha lagu soo qabto Falalka Xag-jirnimadda, si aysan u si itashkiilin Maxaabiista caadiga ah.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Xabsigaasi ka hortegi doono Jihadistayaasha Aragtida Xag-jirnimadda ku faafinaya Mujtamaca intiisa kal, waaa sida uu hadalka u yiri.

Uhuru Kenyatta waxa uu farta ku fiiqay in Lacago dheeraad ah  ku bixiyaan Loojistikadda iyo Hawlaha ee looga baahan yahay Waaxda Adeegga Xabsiyadda ee Kenya.

Madaxweynaha Kenya ma sheegin xilliga la bilaabayo Dhismaha Xabsiga iyo Deegaanka laga dhisi doono, wuxuuna hadalkiisa ku soo beegmay xilli ay Kenya la daalla-dhacayaan Weeraradda Joogtadda ee ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi iyo Ciiddanka Kenyanka ee ku sugan gudaha Somalia.

Dalka Kenya waxaa ku yaalla dhowr Xabsi oo aad loo ilaaliyo Ammaankiisa, sida Xabsiga Dhexe ee Kamiti ee magaalladda Nairobi iyo Xabsiga  Shimo La Tewa ee magaalladda Mombasa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!