Mareeg.com:Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka degay gegida diyaaradaha Nairobi, maalin kaddib markii uu noqday madaxweynihii ugu horreyey ee hortaga maxkamadda dambiyada adduunka.
Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka, kumanaan kalena waxay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wadooyiinka waaweyn ee Nairobi.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay go’aan ka gaari doonto in dacwadda ka dhanka ah Kenyatta daaqadda laga tuuri doono iyo in kale.
Qareennada u doodaya Kenyatta ayaa ka codsaday garsoorayaasha inay dacwadda meesha ka saaraan maadaamma dacwad oogaha aysan hayn caddeyn ku filan.
Balse xafiiska dacwad oogaha ayaa ku dooday in dowladda Kenya ay diidday inay ku soo wareejiso caddeymo ka dhan ah Kenyatta, waxayna doonayaan in waqtiga loogu daro.
Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa, William Ruto, ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay xilligi ay socdeen qalalaasihii xigay doorashadii 2007-da. Labada Mas’uul way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.