Uhuru Kenyatta: Khalaafo lagama dhisi doono Kenya

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku hanjabay inuu tilaabo ku haboon ka qaadi doono xarakada Alshabaab, si looga jawaabo weerarkii ay ku qaadeen Jamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148 ruux oo arday u badnaa.

Khudbada uu Kenyatta shacabkiisa uga jeediyey TV-ga ayuu ku sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay halis ku hayaa Kenya iyo dadkeeda.

“Cadaalad ayaa marin doonaa kuwii ka dambeeyey xasuuqa Jaamacadda gaarisa” ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Kooxaha argagixiasada ah kuma guuleysan doonaan ujeeddada ay leeyihiin oo ah iney Khalaafo ka dhisaan Kenya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa dadka dalkiisa ku dejiyey in laamaha amaanku ku raadjoogaan dadkii soo abaabulay weerarka lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, islamarkaana la horkeeni doono cadaaladda.

Khamiistii lasoo dhaafay 4 ka mid ah Alshabaab ayaa weeraray Jaamacadda Gaarisa oo ardayda ugu badan ee dhigata ay ahaayeen Kiristaan, waxaana halkaas ku dhintay 148 ruux oo arday u badnaa.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %