Ugu yaraan 8-ruux oo ku geeriyootay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ugu yaraan 8-ruux oo ku geeriyootay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyn

illaa sideed ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta duhurkii ka dhacay xaafada howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalka oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa ka dambeeyay, markii mid ka mid ah maleeshiyada ay weydiisatay in lacago canshuur ah laga siiyo gaari xamuul ahaa, waxaana kadib bilowday dagaal.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano, waxaana taasi keentay in khasaaraha uu xoogeysto.

 

Ugu yaraan qof rayid ah ayaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay, halka saddex kale oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkan uu saameyn weyn uu ku yeeshay isu socodka dadka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi.

 

Dagaalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmihii la soo dhaafay xiisado iyo abaabulo ciidan ay ka jireen deegaano ku yaal galbeedka magaalada Beledweyn, waxaana labadan maleeshiyo beeleed ee dagaalamay ay ahaayeen kuwo horay xurguf u dhaxeysay.

 

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Beledweyn ayaa dalbaday in la joojiyo dagaalka, waxaana ay labada dhinac ugu baaqeen nabad iyo xasilooni.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!