Akhri: Uganda oo xirtay Soomaali sawiranayey iskuul

Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney qabatay nin Soomaali ah, kaasoo sawiranayey dugsi arday wax ku bartaan oo ku yaalla magaalada Kampala ee caasimadda dalkaas.

Xiritaanka ninkaas Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa timid kadib markii dhawaan ay soo baxday digniin ku saabsan in Alshabaab weerari rabaan goobo waxbarasho oo ku yaalla Uganda.

Sida wararku sheegayaan, ardayda dhigata dugsiga ayaa booliska ku wargeliyey ninkaas, oo sawirro ka qaadayey iskuulka, taasoo fududeysay in gacanta lagu dhigo.

Alshabaab ayaa todobaadkii hore weerar ku qaaday Jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa, waxaana halkaas ku dhintay 148 arday u badanaa.

Mareeg Media