Uganda Oo Soo Dhaweysay Soomaalida Ka Qaxaya Koonfurta Sudan Iyo Kenya Oo Dib U Celisay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda Oo Soo Dhaweysay Soomaalida Ka Qaxaya Koonfurta Sudan Iyo Kenya Oo Dib U Celisay

Juba, Mareeg.com: Iyadoo weli dalka Koonfurta Sudan ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya xoogaga dowladda madaxweyne Salva Kiir iyo mucaaradka uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Riack Machar ayaa Soomaalida halkaas ku sugan waxaa qaarkood hesyta dhibaatooyin xoog leh, iyagoo weysan meelo ay u baxsadaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Sudan C/raxmaan Maxamed Nuur Diinaari ayaa sheegay iney weli jiraan Soomaali ku xaniban meelaha colaaduhu ka socdaan Koonfurrta Sudan.

Danjire Diinaari ayaa sheegay in dowladda Uganda dadka Soomaaliyeed ee colaadda ka qaxaya u ogolaatay iney ka gudbaan xadkeed oo ay galaan dalkeeda, halka sida uu sheegay Kenya u diiday Soomaalida iney dalkeeda galaan.
“Waxaan runtii aad uga mahad celineynaa dowladda Uganda sida ay u fuliyeen balan qaadkii ay sameeyeen oo ahaa in Soomaalida ka gudbeysa xuduuda inay fasaxaan” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Sudan C/raxmaan Diinaari.

Danjire Diinaari ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Kenya ay dib u soo celiso Soomaalidii dooneysay inay ka gudubto xuduuda Kenya, xilli ay wada hadleen Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dalalka IGAD oo Kenya ku jirto horay u ballan qaadeen iney Soomaalida ka qaxeysa Koonfurta Sudan u ogolaanayaan iney dalalkooda galaan.

Wuxuu sheegay danjire Diinaari iney jiraan Soomaali ku jirta xeryaha UN-ka ee Koonfurta Sudan, kuwaasoo ay dadaal ugu jiraan sidii looga soo qaadi lahaa gobollada colaaddu ka xoogan tahay, loona keeni lahaa magaalada xcaasimadda ee Juba.

“Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo wali ku xaniban gobolada Koofurta Sudan, waxaan wadnaa dadaalo ah sidii aan uga soo saari laheyn, Soomaalida qaar waxay ku jiraan xeryaha Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey”ayuu yiri Amb. Diinaari.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay wada ku jira IGAD ee deriska la ah Koonfurta Sudan ka codsatay in Soomaaliya ka baxsanaya colaadda dalkaas ay o ogolaadaan iney xuduudkooda ka gudbaan maadaama Koonfurta Sudan ka fogtahay Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!