Uganda oo shaqada ka joojisay 15 askari oo lagu eedeeyey iney kufsadeen dumar Soomaaliyeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda oo shaqada ka joojisay 15 askari oo lagu eedeeyey iney kufsadeen dumar Soomaaliyeed

Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay 15 sarkaal oo ciidankeeda Soomaaliya ka howlgala ka torsan, kuwaasoo loo heysto inay ku lug yeesheen xadgudubkii kufsiga ahaa ee haween Soomaaliyeed ay AMISOM ugu geysteen Muqdisho.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Huran Rights Watch ay dhawaan shaacisay in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl-gala ee ka kala socda Uganda iyo Burundi ay gabadho iyo haween Soomaaliyeed u geysteen kufsi khasab ah, iyagoo sasabay lacag ama kaalmo kale.

Warbixinta HRW oo cinwaan looha dhigay “Xooga Raggan Nagu Heystaan” ayaa lagu sheegay in haweenka la kufsaday ay ahaayeen kuwa xeryaha ciidamadanka AMISOM u doontay dawo iyo cunno.

Afhayeenka milateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in saraakiisha laga joojiyay shaqada ay ku jiraan laba jeneraal oo sar-sare.

“Eedeymaha kufsiga ku saabsan dib ayaan baaritaanno ugu sameynaynaa, guddi ayaa barista xad-gudubkan soo gabagabeeyay, waana tan lagu ogaaday in saraakiishan ay ku lug leeyihiin eedeymaha kufsi ee ka dhacay Muqdisho, gabi ahaanna waan ka joojinnay shaqadii ay hayeen.” ayuu yiri Col. Paddy Ankunda.

“Qorshahan waa mid aan u sameynayno sidii aan u ceeb-tiri lahayn ciidamada noogu jira AMISOM,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda.

“Keliya sababta shaqada looga joojiyay saraakiishan ma ahan xadgudub dhinaca galmada ah oo ay ku kaceen, balse walaaco kale oo badan ayaa jira waana baaraynaa.” ayuu sidoo kale yiri Col. Ankunda

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa ku tilmaantay eedeyntan kufsiga ku saabsay inay tahay mid aan loo dulqaadan karin, ayna guddi baara u dirayaan Soomaaliya.

Tilaabada dowladda Uganda shaqada uga joojisay 15 sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda jooga Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid dhiirigelin leh, waxaase la sugayaa waxa uu dalkaasi ku ciqaabi doono saraakiisha iyo ciidamada falkaas ku kacay.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.