Uganda: Shabaab oo beegsanaya goobo waxbarasho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda: Shabaab oo beegsanaya goobo waxbarasho

Mareeg.com: Booliska dalka Uganda ayaa sheegay in ay heleen macluumaad sheegaya in Al-Shabaab ay weerarro ku bartilmaameedsan rabto goobo waxbarasho oo ku yaalla dalkaas.

Taliyaha booliska Uganda, Kale Kayihura, ayaa sheegay in Uganda ay hadda ku jirto feejignaan sare, kadib markii la helay macluumaadkaas.

Kale Kayihura ayaa sheegay in ururka Al-shabaab uu doonayo weerarro uu ku bartilmaameedsado xarumo waxbarasho oo ku yaalla wadada isku xirta magaalooyinka Kampala iyo Jinja.

Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa bartilmaameed u ah weerarrada Shabaab, maadaama ay labadaasi dal ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Khamiistii lasoo dhaafay, Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ku dishay 147 qof.

Weerarkaasi ayaa dhacay ka dib markii ay dowladda Britain, Kenya uga digtay weerarro uga iman karo Shabaab, balse madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa si shaac baxsan ugu gacan sayray digiintaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Shabaab ku qaado Uganda ayaa dhacay sanadkii 2010-kii, waxaana ku dhintay dad ka badan 70 qof.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!