Uganda oo Muqdisho u direysa ciidamo ilaalilya Xarrumaha Qaramada Midoobay

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa dalka Soomaaliya u direysa 410 askri, kuwaasoo ilaalinaya Xarrumaha Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

Milateriga Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay dhowaan Soomaaliya usoo dirayaan cidamadaas, kadib markii ay soo bateen weerarada ay geysanayaan Al-shabaab.

Ciidamadan ka socda Uganda ee loo dirayo Soomaaliya ayaa loo bixiyey magaca “United Nations Guard Unit”, waxaana tegesta ciidamadaas ee Soomaaliya xaqiijiyey afhayeenka Milateriga Uganda Lt. Col Paddy Ankunda.

Col. Paddy Ankunda, ayaa sheegay in Ciidamadaan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay inaanay ciidamadaan wax shaqo ah ku lahayn ciidamada kale ee Amisom, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska Amisom ee Xalane.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidankaan cusub ay fursad siin doonaan Ciidamada hadda suga Xarumaha Qaramada Midoobay in ay weeraraan goobaha ay weli gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Alshabaab ayaa horay u weeraray xarrunta Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho, iyadoo weerarkaas lagu dilay shaqale u shaqeynayey UN-ka oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245