Uganda oo ku dhawaaqday iney fashilisay weerar Alshabaab qorsheysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda oo ku dhawaaqday iney fashilisay weerar Alshabaab qorsheysay

Mareeg.com: Ciidamada booliska Ugnad oo sabtidii tegay magaalada caasimadda ah ee Kampala ka bilaabay howlgal lagu raadinayo unug Alshabaab oo la sheegay iney halkaas qaraxyo ka geysan rabeen ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ilaa 19 Soomaali iyo walxaha qarxa.

Fred Enanga oo ah afhayeenka booliska Uganda ayaa wakaalada wararka Reutres u sheegay in weerarka Alshabaab la fashiliyey xilligii ugu dambeeyey “Weerarka waxaa la fashiliyey daqiiqadihii ugu dambeeyey” ayuu yiri Fred Enanga.

Taliyaha booliska Ugand, Gen. Kale Kayihura ayaa sheegay in Uganda oo kaashaneysa sirdoono ajnabi ah ay u suuragshay iney fashiliso weeraro qaraxyo ah oo Alshabaab ka geysan rabeen magaalada Kampala.

“Al-Shabaab waxey qorsheeyeen iney weeraraan magaalada Kampala iyo magaalooyin kale, hase ahaatee booliska oo ay la shaqeynayaan sirdoono walaalo ah ayaa ka hortegay weerarkaas, waxaana helnay qaraxxyadii ay ragas adeegsan rabeen” ayuu yiri Gen. Kale Kayihura.

Taliyaha ayaa xusay in boolisku xiray tiro dad ah oo haatan su’aalo la weydiinayo “Waxaan qabanay dhowr qof oo laga shakiyey, waxaana ku socda su’aalo weydiin” ayuu yiri Gen. Kale Kayihura oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Safaraada Mareykanku ku leeyahay dalka Uganda ayaa todobaadkii hore ka digtay weerar Alshabaab ka geystaan dalkaas, kadib markii 1-dii bishaan Mareykanku duqeyn diyaaradeed ku dilay hogaamiyihii Alshabaab Axmed Cabdi (Abuu Zubeyr).

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!