
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in Arbacadii shalay ahayd ay dib ugu yeertay askarteeda howlgabka noqday ee ka fariistay howlaha Ciidamada dalkaasi.
Jeneraal Charles Otema Taliyaha Ciidanka Keydka ee difaaca Dalka Uganda ayaa sheegay in ay u yeereen askar gaareysa 2,500 oo Askari kuwaas oo loo daabalayo Soomaaliya si ay kaabe ugu noqdaan Ciidamada dalka Uganda ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Mr Otema ayaa sheegay in ciidamadaas dib u xareyntooda ay billaabaneyso Isniinta todobaadka soo socda.
Waxaa uu xusay in Ciidamada howlgabka ah ee loo yeeray laga sameyn doono Guutooyinka 31aad iyo 32aad ee Ciidanka Difaaca Uganda qeybtooda ka howlgasha Soomaaliya.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada howlgabka ah ee loo yeeraya hadda ay yihiin kuwa da’doodu ku yartahay 55 jir sidoo kale darajadooda ciidan ay ku egtahay ama ka hooseyso Gaashaanle.
Tani maha markii ugu horreysay oo ay Uganda Ciidamada howlgabka noqday dib ugu yeerto, Taliye Otema ayaa sheegay in sanadkii 2012kii Ciidamo sidan oo kale dib loogu yeeray ay ka howlgaleen Muqdisho kuwaas oo qayb galay howlgalka Soomaaliya ee AMISOM.