Uganda oo ciidamo cusub oo farabadan u direysa Soomaaliya (Maxey shaqadoodu tahay?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda oo ciidamo cusub oo farabadan u direysa Soomaaliya (Maxey shaqadoodu tahay?)

Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa ciidamo dheeraad ah u direysa dalka Soomaaliya, kuwaasoo gaaraya ilaa 2,700 oo askari, sidaas waxaa laga soo xigtay afhayeen milateri oo reree Uganda ah maanta oo salaaso ah.

Ciidamadan cusub ayaa xoojin doona amaanka madaxtooyada Soomaaliya, baalamaanka, xarumaha wasaaradaha, garoonka diyaaradaha, dekedda iyo meelo kale, sidaas waxaa xaqiijiyey taliyaha ciidamada Uganada, Katumba Wamala.

Waxey ciidamadaani dhowr todobaad qaateen tababar ay siiyeen saraakiil Mareykan iyo Faransiis ah, iyadoo la siiyey tabar gaar ah oo awood u siinaya iney ka hortagaan weerarada uga imaanaya ururka ku kacsan dowladda Soomaaliya ee Alshabaab, sida uu sheegay afhayeen u hadlay milateriga Uganda.

Taliyaha ciidamada Uganada, Katumba Wamala ayaa ciidamadan ugu sheegay saldhiga ay uga kicitimayaan Soomaaliya iney noqdaan kuwa baraarugsan oo difaac u noqda shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Ciidamadan ka socda Uganda ee imaanaya Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya saddex todobaad kadib markii ciidamada Uganda oo taageero siinaya ciidamada Soomaaliya ay Alshabaab ka saareen degmada Baraawe, halkaasoo ururkaas u aheyd xarrun iyo il-dhaqaale oo muhiim ah.

Bishii April ee sanadkaan 2014 waxaa Soomaaliya gaaray qeybtii ugu horreysay ciidamo gaar ah oo socda Uganda, kuwaasoo ilaalinaya xarumaha Qaramada Midoowbay, waxaana haataan soo korortay in ciidamada Uganda ilaalin doonaan xarumaha wasaaradaha dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!