Uganda Oo Cabsi Ka Qabta In Alshabaab Weeraraan Xarrumaha Waxbrashada

Read Time:1 Minute, 25 Second

Kampala, Mareeg.com: Dalka Uganda waxaa boolisku ku dhawaaqay cabsi laga qabo in Alshabaab weeraro ka geystaan goobaha waxbarashada dalkaas, xilli dhawaan ay weerar ku qaadeen dalka Kenya, gaar ahaan xarruntii ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorshaynayso inay weerarro ka geysato goobaha waxbarashada dalkaas eek u yaallada magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Uganda ayaa manta daabacay in goobaha laga baqayo in Alshabaab weeraraan ay ku jiraan jaamcado waaweyn, kuwaasoo dadka dhigta ay ku jiraan ajaanib farabadan oo aan u dhalan dalka Uganda.

Afhayeenka booliska Uganda Judith Nabakooba ayaa sheegtay inuu soo gaaray warka ah in laga yaabo in Alshabaab qorsheynayaan weerarka Jaamacadaha, waxeyna xustay iney aad u adkeeyeen amniga guud ee caasimadda ee Kampala, isla markaana ay ciidammo geeyeen qaar ka mid ah jaamacadaha.

“Waxaa nasoo gaartay warar sheegaya in in argagixisadu ay qorsheynayaan inay weerarro ka geystaan dalkeenna, gaar ahaan xarumaha waxbarashada, iyagoo qorshaynaya in toddobaadkan ay fuliyaan qorshayaashooda,” ayey tiri Judith.

Dalka Uganda ayaa ciidamadiisa usoo diray Soomaaliya sanadkii 2007, iyagoo wixii xilligaas ka dambeeyey dowladda ka difaacayey xarakada Alshabaab, waxaan dhowr jeer Alshabaab ku hanjabeen iney weerari doonaan.

Dhamaadkii bishii September ee sanadkan 2013 ayaa heegan sare la geliyey ciidamada amaanka dalka Ugand kadib markii Alshabaab weerareen xarrunta ganacsiga Westgate ee magaalda Nairobi ee dalka Kenya, kuna dileen ilaa 67 ruux oo isugu jiray ajaanib iyo Kenyaan.

Alshabaab ayaa bishii July ee sannadkii 2010 waxay weerarro qaraxyo ah oo ay ku dhinteen in ka badan 79-qof ay ka geysteen baarar ku yaalla caasiamadda Uganda ee Kampala xilli halkaas lagu daawanayay ciyaartii kama dambeysta ee koobka adduunka.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %