Uganda: Maxkamad dambi ku weysay labo gabdhood oo Somali ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda: Maxkamad dambi ku weysay labo gabdhood oo Somali ah

Mareeg.com: Maxkamad ku taala caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa dambi ku qeysay labo gadbood oo Soomaali ah, kuwaaoo loo heystay iney xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Agaasimaha xeer ilaalinta guud ee dalka Uganda ayaa hoos u dhigay dacwad loo heystay labo haween Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal ka dhan ah amniga dalkaasi Uganda, kuwaasi oo dacwadooda ay ka socotay dalkaasi Uganda.

Labada gabdhood oo lagu kala sheegay Yaasmiin Cabdulaahi oo 20 sano jir ah iyo Hodan Axmed oo 23 sano jir ah, ayaa laga qabtay deegaanka Kisenyi iyaga iyo 10 rag ah oo kala ahaa sagaal Soomaali ah iyo ruux Kenyan ah, kadib howlgalo ciidamada sanadkii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen deegaankaasi.

Labada gabdhood ee kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dambiyo ay kamid yihiin caawinaad iyo dhiirigelinta falalka ka dhan ah amniga Uganda, waxaana qabtay ciidamada ka hortaga waxay ugu yeereen argagixisada.

Qareenka guud ee Uganda Edward Muhumuza ayaa sheegay in uu warqad u gudbiyay qaadiga maxkamada gobolka taasi oo dhigeysay in dambiyo lagu waayay labada gabar, hoosna loo dhigay dacwadihii lagu eedeeyay.

Waxaa sidoo kale jira wiilal Soomaaliyeed kuwaasi oo la sheegay inay sugayaan maxkamad oo loo heysto dacwad arintaasi la xiriirta,  Waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed C/qaadir, Cabdi Cabdulaahi, Xasan Cabdi Welli, Maxamed Axmed, Yuusuf Cismaan, Cabdi Maxamed iyo Maxamed Yuusuf, waxaana dhamaantood lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Dhamaan dadkaasi oo la qabtay bishii September ee sanadkii 2014 ayaa lagu eedeeyay inay taageereen ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!