Uganda: Haweeney dacwad ku oogeysay Shabaab oo la dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda: Haweeney dacwad ku oogeysay Shabaab oo la dilay

Mareeg.com: Dalka Uganda waxaa toogasho lagu dilay haweeney dacwad oogta aheyd oo lagu magacaabo Joan Kajiza, taasoo ku howlaneyd dac ku oogidda 13 ruux oo loo heysto iney ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Booliska Uganda ayaa dilka dacwad oogto Joan Kajiza ku tilmaamay mid xiriir la leh ku luglahaanshaheeda dacwadda ka dhanka ah rag Alshabaab ka tirsan oo loo heysto iney Uganda ka geysteen weerar sanadkii 2010 lagu dilay ilaa 76 ruux oo daawanayey ciyaar koobka aduunka ah, gudaha magaalada Kampala.

Afhayeen u hadlay booliska Kampala oo lagu magacaabo, Patrick Onyango ayaa sheegay in Joan Kagezi ay toogteen rag watay mooto, ayna dhaawac soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka.

Joan Kagezi ayaa horay madax uga noqotay laanta la dagaallanka Argagixisada iyo dambiyada dagaalka ee dalka Uganda.

Dadka reer Uganda ayaa is weydiinaya in dowladdu amaan ku filan siisay Joan Kagezi oo gacanta ku heysay dacwad ka dhan xubno ka tirsan ururuka Alshabaab oo ah urur halis badan.

Dilka Joan Kagezi ayaa imaanaya kadib markii todobaadkii hore Mareykanka iyo Britain ay ka digeen in weeraro argagixiso ka dhacaan dalka Uganda, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Kanpala.

Uganda ayaa kaalinta hore uga jirta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Alshabaab kula dagaalama Soomaaliya, waxaana Alshabaab horay marar badan ugu hanjabeen iney weeraro ku qaadayaan magaalooyinka dalkaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!