Uganda: Askarteena ayaa fududeysay duqeyntii lagu dilay hogaamiyaha Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Uganda: Askarteena ayaa fududeysay duqeyntii lagu dilay hogaamiyaha Alshabaab

Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney fududeysay weerarkii 1-dii bishaan diyaaradaha dagaalka Mareykanku ku qaadeen gaadiid ay wateen madaxda Alshabaab oo marayay gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka ku dhow degmada Sablaale.

Weerarkaas waxaa dowlada Mareykanku si rasmi ah u sheegtay in lagu dilay hogaamiyaha Alshabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Abuu Zubeyr, hase ahaatee Alshabaab ayaan beenin arrintaas ama qiran.

Wargeyska The New Vission ee kazoo baxa dalka Uganda ayaa qoray in ciidamada sirdoonka dalka Uganda ay qeyb ka qaateen fududeynta halka ay ku shirayeen madaxda Alshabaab.

Afhayeenka miltaeriga Uganda, Paddy Ankunda ayaa AFP u sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay Sirdoonka Mareykank siiyeen macluumaad ku saabsan halka uu joogay hogaamiyaha Alshabaab, taasina keentay in la dilo sida uu yiri.

“Waxaan rumeysanahay in Alshabaab sii kala tegayaan hadiiba la dilay Godane, maxaa yeelay wuxuu ninkaasi ahaa ninka kaliya ee isku xira” ayuu yiri Paddy Ankunda.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Uganda, Ofwono Opondo ayaa sheegay in dalkiisu u dabaaldegayo dilka hogaamiyaha Alshabaab.

“Uganda aad ayay u faraxsantahay, maadaam ay tahay awoodda ugu weyn AIMSOM ee ka howlgasha Soomaaliya, waan ku farxeynaa burburka Alshabaab” ayuu yiri Ofwono Opondo oo la hadlay AFP.

Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamada ugu dhow saldhig ahaan halka lagu weeraray madaxda Alshabaab, iyadoo ciidamada dalkaasi joogaan Buulo Mareer iyo Kurtuwaarrey oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Bishii July 2010, ayaa Alshabaab qaraxyo ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxaana ku dhintay ilaa 74 qof.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!