Kampala: Ugu yaraan 40 ka mid ah ciidamada Uganda ee dhawaan laga badelay Soomaaliya ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo loo heysto iney xadeen, islamarkaana musuqmaasuqeen qalabka ciidamada AMISOM ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada milateriga dalka Lt. Col. Paddy Ankunda ayaaa shalay oo talaado sheegay in la xiray ilaa 40 ka mid ah ciidamadii dhawaan ka laabtay Soomaaliya ee ka mid ahaa kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Eedeymaha loo heysto ciidamadan ayaa ah kuwa kala duwan, waxaana intooda badan yihiin saraakiil dhexe, qaarkooda waxaa lagu eedeeyey iney hubka ku iibsadeen suuqa madow, qaar kalana waxaa lagu eedeeyey iney xadeen raashinka ciidamada oo suuqayada ka iibsadeen.
Sidoo kale, qaar ka mid ah ciidamadan ayaa lagu eedeynayaa iney xareysteen shidaal badan si u iibsadaan, taasoo milateriga Uganda ku tilmaamay iney ka dhigan tahay khatar weyn oo la geliyey ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
“Eedeymaha la xiriira in shakhsiyaad ka tirsanaa howlgalka (AMSIOM) ku lug leeyihiin xatooyada raashin, shidaal iyo qalab kale, waxaan u qaadanay wax dhab ah, mana u ogolaan karno shakhsiyaad iney kharribaan howlgalka weyn ee Midowga Afrika” ayuu yiri afhayeenka milateriga dalka Lt. Col. Paddy Ankunda.
Brig. Dick Olum oo ka mid ah saraakiisha Uganda ee weli ka howlgelaya Soomaaliya ayaaa sheegay inuu aad uga naxay wararka sheegaya in qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dalkiisu ku kaceen falalka nuucaas ah.
Saraakiisah eedaha loo heysto kuma jiro sarkaalka ugu sarreeya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kaasoo lagu magacaabo Lt. Gen. Andrew Guti, kana soo jeeda dalka Uganda.
Mid ka mid ah ku xigeenadii hore ee Guti oo lagu magacaabo Brig. Michael Ondoga ayaase ka mid ah dadka la eedeeyey, wuxuuna iminka ku jiraa xabsi guri dalka Uganda.
Brig. Michael Ondoga iyo saraakiil kale oo lala eedeeyey ayaa la filayaa in maalmaha soo socda dalka Uganda lagu soo taago maxkamada milateri, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada milateriga dalka Lt. Col. Paddy Ankunda.
Dhawaan ayaaa wargeyska kazoo baxa dalka Uganda ee lagu magacaaabo Daily Monitor wuxuu daabacay in askar ka laabatay Soomaaliya ay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni u sheegeen in saraakiisha hogaamisa baaahi ku dileen, islamarkaana iibsadeen raashinka, shidaalka iyo hubka ciidamada, taasoo madaxweynaha ka ilmeysiisay.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo la yaaabay wax askartu u sheegeen oo ay ka mid aheyd iney marar badan Alshabaab la dagaaleen iyaaagoo gaajeysan ayaa amar ku bixiyey in la baaro arrintaas, taasoo hadda keentay in la xiro ilaa 40 ka mid ah ciidamadii hogaanka ahaa ama ka ag dhawaa.
Mareeg.com