Ugaas yadii reer Hiiraan oo gaaray magaalada Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ugaas yadii reer Hiiraan oo gaaray magaalada Jowhar

Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xassan  Ugaas Rage oo si weyn uga soo horjeeday qorshaha dowlada federaalka ay ku dooneyso in maamul loogu sameyo gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa maanta  gaaray Magaalada jowharkadib markii dhowaan ay ka soo tageen magalaada Baladweyne iyago ku biiray  duubabka dhaqanka ee ka qeyb galay shirka maamul u sameynta u-3Hirshabeelle.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaliya mudane Cabdirxmaan Xuseen Odawaa, ayaa wafdiga Ugaasyada ku qaabilay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Jowhar, waxaana wasiirku tilmaamay in ay aad u soo dhawaynayaan Ugaasayada soo garay Jowhar si ay ugu biiraan dhameystirka dhismaha dowlad gobaleed Hirshabeelle.

 

Waxaa jiray warar soo baxayay maalmahan oo ahaa in ugaasyadii hore u diidanaa shirka Jowhar inay aqbaleen balse Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu weli diidan yahay ka qeybgalka shirka ama aqbalida natiijada ka soo baxday shirka. Xigasho Jowhar.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!