Ugaas siweyn looga yaqaanay Soomaaliya oo Goor dhow geeriyooday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ugaas siweyn looga yaqaanay Soomaaliya oo Goor dhow geeriyooday

Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Ugaasyada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ugaas Xasan uu maamihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada, isla markaana xanuunkii haayay uu Caawa ugu geeriyooday Isbitaal.

Geerida Ugaaska ayaa waxaa xaqiijiyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, qaar kamid ah Ehelada Ugaaska iyo xubno kale.

Mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana baraha Bulshada hareeysay tacsi loo dirayo qoyska Ugaaska.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka Hirshabeelle.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More