Ugaas caan ahaa oo lagu dilay Kismaayo

Read Time:33 Second

Kismaayo – Mareeg.com: Labo nin oo watay bastooladu ayaa shalay galab Kismaayo ku dilay ugaas can ka ahaa halkaas, kaasoo la oranjiray Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.

Ugaaskaan ayaa lagu dilay bartamaha suuqa Dallacaadda ee xaafadda Calanley, ee magaalada Kismaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in ay ciidamada maamulka soo qabteen labo nin oo ku eedeysan dilka ugaaska, kuwaas oo baaritaan lagu sameyn doono, haddii dambi lagu helana sharciga la hor geyn doono.

Ugaasku wuxuu ahaa nin caan ka ahaa magalaada Kismaanyo. Lamana oga sababta ka dambeysa dilka ugaaska. Meydka ugaaska ayaa saaka lagu aasayaa Kismaayo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.