Tuuryare “Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo Alshabaab baasacsan doona ayaan soo wadnaa”

Read Time:1 Minute, 12 Second

Mareeg.com: Iyadoo lagu wado inuu maanta degmada Dhuusamareeb gaaro madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa halkaas shalay buux dhaafiyey saddex qeybood oo ka mid ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamo ka kala socda Hay’adda Nabad Sugidda, gaar ahaan kuwa wata magaca NISA, iyo ciidamada loo yaqaano GAASHAAN iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada madaxtoioyada. Waxaa sidoo kale, halkaas gaaray ciidamo ka soda booliska AMISOM.

Ciidamadan diyaaradaha looga qaaday Muqdisho ayaa la wareegay amaanka goobta lagu qabanayo shirka nabadeynta beelaha Galgaduud iyo Mudug, kaasoo lagu wado inuu maanta furo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed, Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan hay’adda oo dhawaanahaanba tababar uga socday magaaladaas .

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada uu tababarka u soo xiray ay yihiin kuwii sugi lahaa amaanka gobolka Galgaduud, ayna la dagaalami doonaan ururka Alshabaab oo weli ku sugan degmooyinka ka tirsan gobolkaas.

“Ciidamo qalabkoodu u dhameystiran yahay oo aan ugu talo galnay in ay amaanka Galgaduud iyo Mudug sugaan ayaan idiin keenay adinkuna la shaqeeya diyaaradihii drones-kana waan soo wadnaa oo kooxaha dhulka howdka ah ku baacsan doona” ayuu yiri Tuuryare.

Amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay ilaa maanta si weyn loo adkeeyey, waxaana xusid mudan iney amaanka qeyb weyn ku leeyihiin ciidamada deegaanka oo halkaas horay u joogay.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.