Tuuryare "Ammaanka Muqdisho waxaa masuul ka ah maamulka gobolka Banaadir" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tuuryare “Ammaanka Muqdisho waxaa masuul ka ah maamulka gobolka Banaadir”

Muqdisho: Kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay ammaanka caasimadda Soomaalia ayaa lagu go’aamiyey in amaanka Muqdisho lagu ogaado maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha Ammaanka.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ayaa waxaa ka qeyb galay oo shir guddoominaaye Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidad iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakisha Hey’adaha Amniga,   Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Agaasimayaal.

Kulankan oo socday saacada badan ayaa aad looga dooday in la balaariyo qorshayaasha lagu xoojinayo Amniga caasimadda.

Masuuliyiinti ka qeyb gashay kulankan Deg dega ah ayaa soo jeediyay iney diyaar u yihiin wax kasto oo looga hortagayo falalka Al-Shabaab maleegayaan.

Taliyaha qeybta Guud booliska ee Goabalka Banaadir, Sareeya Guute Cali Xirsi Bare “Caali Gaab” ayaa kulanka kadib Warbaahinta u sheegay in ammaanka gobalka Banaadir ay sii laba laabi doonaan.

Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ku hadlaayey Codka Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida waxa uu Warfidiyeenada u sheegay in dhabarjab weyn uu ku dhacay Alshabaab, sida uu yiri.

Taliyaha Ciidanka NISA Ganeral Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxii haatan ka bilowda uu Maamulka gobalka Banaadir mas’uul ka yahay Ammaanka magaalada Muqdisho, isla markana ay awood u leeyihiin iney Howl galiyaan talisyada Booliiska iyo Nabad-Sugida ee qeybta guud Gobalka Banaadir.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adihiisa Amniga qaabilsan ayaa ka mas’uul ah wixii hada ka dambeeya ammaanka magaalada Muqdisho, waxaa ku wargelinayaa in aysan cidna ku haleyn, Adduunka qaabka amniga loo sugo magaalooyinka ayaa hada kadib loo sugayaa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

“Hada ka hor waxaa kala maqnaa xogta, Maamulka iyo shacabkii, kii xogta hayay ee Nabadsugida ah, kii awooda ciidan hayay oo booliska ah iyo maamulka degmada oo shacabka ku xirnaa, waxaa sameysmaya Guddiga amniga degmada, waxaa kala maqnaa xogtii, awooda iyo maamulka, marka intaas la sameeyo ayaa lagula xisaabtamayaa”ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya taliyaasha nabadsugiddu beegsan doonaan goobaha Alshabaab ku suganyihiin, maamulka gobolka Banaadirna uu ka shaqeyn doono ammaanka caasimadda.

“Taliye nabadsugid iyo Taliye boolis waxay hada kadib raacdeysan doonaan cadawga, saakow iyo meelaha ay joogaan ay aadi doonaan, gobolkan amnigiisa dadka ka madax ah ayaa la weydiin doonaa, Ciidamada Nabadsugida ee banaanka ugu tala galnay ayaa la howl gelin doonaa, Milateriga la shaqeyn doonaa, magaaladan dadkeeda ayaa ka shaqeyn doonaa, shaqadana waa la kala saari doonaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Qaraxyadii ALshabaab habeenkii Jimcaha ka geysteen Muqdisho ayaa sababay khasaare laxaad leh oo isugu jira naf iyo hanti, waxaana dhowr maalmood ka hor labo maalmiid weerarro hoobiye lagu qaaday xaafado ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!