
Read Time:27 Second
Dowladda Turkiga ayaa saacado kadib shaacisey inay jiraan muwaadiniin uga dhintay qarixii ismaadaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Safiirka dowladda Turkiga ee u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in qaraxii saakay ay uga dhinteen laba ruux oo u dhashay dowladda Turkiga, kuwaasi oo Isgoyska Ex-koontarool marayay xiliga uu qaraxa dhacayay.
Qaraxa Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in uu ahaa mid lagu soo rarey gaari Booyad ah,waxaana ku dhintay in ka badan 70 Ruuc halka 90 kale ay ku dhaawacmeen.