Turkiga oo Soomaaliya oo dhisaya warshad tosha labiska ciidamada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga oo Soomaaliya oo dhisaya warshad tosha labiska ciidamada

Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa iney ka maaranto labiska ciidamadeeda ee laga soo dhoofiyo wadamada kala gedisan ee caalamka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay warshad sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka Sida.

Warshaddan oo dhismaheeda ay dowladda Turkigu gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa, sida qorshuhu yahay baahida labiska, iyadoo laga maarmi doono labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo ee ka yimaada dalal kala duwan oo caalamka ah.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir gaashaandhiga Soonaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiir Diini ayaa sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub ee 2016 uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan lagu dhisayo warshada tolmada labiska ciidamada.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaan laheyn dhar gaar ah oo ciidan kasta lagu garto, iyadoo labisyo kala nuuc ah ay dalka keenaan dalalka faraha kula jira siyaasadda Soomaaliya.

20160105_104123

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.