Turkiga Oo Sheegay Inuu $35 Milyan Dollar Ku Dhisay Isbitaalka Digfeer (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga Oo Sheegay Inuu $35 Milyan Dollar Ku Dhisay Isbitaalka Digfeer (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Turkiga ayaa soo gebagebeysay dib u dhis weyn oo lagu sameeyey Isbitaalka weyn ee Digkfeer ee magaalada Mqudisho.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kanu Turan ayaa sheegay in dhismaha Isbitaalka Digkfeer uu dhamaaday, islamarkaana si weyn loo qalabeeyey.

Danjiraha ayaa xusay in dhismaha isbitaalka ay ku baxday lacaga dhan $35 Milyan dollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo Turkigu bixiyey.

Cemalettin Kanu Turan ayaa sheegay in dhamaadka bishan ay dalka Soomaaliya soo gaari doonaan dhaqaatiir Turki ah, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaal Soomaali ah.

Danjiraha oo wareysi siiyey Radio Risaal ee Muqdisho ayaa la weydiiyey in lacaga laga qaadayo dadka arrimaha caafimaad u imaanaya Isbitaalka Digkfeer iyo inkale, wuxuuna sheegay in lacago laga qaadayo dadweynaha.

Cemalettin Kanu Turan ayaa xusay in lacagaha laga qaadayo dadka ay yihiin kuwa yar, wuxuuna xusay iney dowladda Turkiga iyo Soomaaliya bixin doonaan qaar ka mid ah lacagaha ku baxaya Isbitaalka Digkfeer.

Dhismaha Isbitaalka Digkfeer ayaa bilihii lasoo dhaafay socday, waxaana Isbitaalka oo burbur xoog leh ka dhexlay colaadihii dalka loo badelay goob aad u qurux badan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!