Turkiga oo shaaciyey lacagta uu ku kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya 2014

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Turkiga ayaa shaacisay lacagta ay sanadkaan 2014 ku kabeyso misaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Safriika Turkiga u fadhiya Muqdisho Dr. Kani Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu qorsheysay iney sanadkaan 2014 ku kabto miisaaniyadda dowladda Soomaaliya aduun lacageed oo dhan $25 Milyan dollar.

Safiirka ayaa sheegay in dowlada Turkigu taageereyso dowladda federaalka ah ilaa ay cagaheeda isaga taageyso, wuxuuna meesha ka saaray in Turkigu joojinayo lacagtii uu sanadihii lasoo dhaafay ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Dr. Kani Torun ayaa u sheegay VOA in Turkigu dowladda Soomaaliya ku taageeray lacaga dhan $350 Milyan dollar sanadihii lasoo dhaafay, taasoo lagu kabay miisaaniyadda dowladda.

Turkiga ayaa si toos ah u taageera dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhanka kale dalka ka wadaa mashaariic hormarineed oo kala duwan tan iyo sanadkii 2011.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245