Turkiga oo saraakiishii ugu horeeyay ee boolis ah tababar ugu dhameyay muqdisho

Read Time:27 Second

Xerada Tababarka Ciidanka ee TURKSOM ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabad tababarka loogu soo xirayay Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa gaaraya illaa labo boqol, kuwaasoo noqon doona Macallimiin tababar siiya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xerada Tababarka Turksom ayaa waxaa dhowaanahan ka socday tababaro la siinayay Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %