Turkiga oo saddex maamlmood u baroordiiqaya dad ku dhamaaday god dhuxusha laga qodo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga oo saddex maamlmood u baroordiiqaya dad ku dhamaaday god dhuxusha laga qodo

Ankara– Mareeg.com: Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq ah kadib markii ilaa 200 ruux ay ku dhinteen god dhuxusha laga qodo oo ku yaalla magaalada Soma ee galbeedka dalkaas.

Masiibadan ayaa timid kadib markii qarax ka dhacay halkaas uu sababay in godkaas dumo. qaraxa ayaa ka dhashay qeybta korontada ee goobta, waxaana wasiirka tamarta ee Turkiga, Taner Yildiz uu sheegay in 787 qof ay godka ku jireen xilliga uu shilka dhacayay.

Wasiirka tamarta ee Turkiga, Taner Yildiz ayaa sheegay in dhimashadu gaareyso iloaa 201 ruux, welina ay socdaan dedaalada lagu raadinayo dadkii kale ee halkaas ku jiray.

Mr Yildiz ayaa sheegay in gaaska suntan ah ee carbon monoxide uu ay shaqaalaha badankood u dhinteen.

Bayaan laga soo saaray xafiiska Raysulwasaaraha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa lagu sheegay in 3 maalmood loo baroordiiqayo dadkii ku dhintay musiibadaas.

Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku howlanaa si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran usoo badbaadiyaan.

Dhacdadii ugu xumeyd oo Turkigu kala kulmo godadka laga qodo dhuxusha aya dhacday sanadkii 1992-kii, xilligaasoo ay god dhuxuleed oo ku dhow badda madow ku dhinteen ilaa 270 ruux.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!