Turkiga oo rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada u dhaxeeya Dowlada iyo Somaliland

Read Time:54 Second

Mareeg.com-Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kanu Turan ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadi doono sidii uu usii socon lahaa miro dhalna u yeelan lahaa wadahadalka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo Somaliland ee ay Turkiga gar wadeenka ka tahay.

Safiirka oo rajo wanaagsan ka muujiyay maro dhalka wadahadalada u dhaxeeya dowlada iyo Somaliland ayaa sidoo kale ganacsatada Somaliland waxa uu ku booriyay in ay horumariyaan ganacsigooda, isagoona xusay in Turkiga uu Somalilandka caawin doono horumarinta ganacsiga.

 

“Waxaa ka mid ah ujeedada socdaalkayga sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, inkasta oo ay jirraan mawduucyo siyaasiya haddana waxaan rajaynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan, waxaan sidoo kale jeclaan laheyn in ay horumariyaan ganacsigooda, iyo dhulkooda si looga hirgeliyo ganacisga Turkey loona maal geliyo ganacsiga Somaliland” ayuu yiri safiirka.
Cemalettin Kanu Turan Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa waxa uu imika booqasho qaadaneysa sadex cisho ku joogaa Magaalada Hargeisa ee xarunta Maamulka Somaliland, isagoona inta uu jooga deeganada Somaliland booqan doona meelo ay kamid tahay Dekeda Magaalada Berbera.

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %