Turkiga oo Facebook ku qasbay xiritaanka bogagga loogu gefay Nabi Muxamed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga oo Facebook ku qasbay xiritaanka bogagga loogu gefay Nabi Muxamed

Mareeg.com: Garsoorka dalka Turkiga ayaa ku amray Shirkadda iska leh “Facebook” iney xirto dhamaan Koontooyinka loogu gefo Nabigeenna Muxamed ah Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Garsoorka dalka Turkiga ayaa ku hanjabay in Facebook laga mamnuuci doono dalkaas, haddii uu fulin waayo amarka kasoo baxay maxkamada ku taallada caasimadda dalkaas ee Ankara.

Facebook ayaa la sheegay inuu u hogaansamay amarka kasoo baxay dalka Turkiga, iyagoo doonaya iney ilaashadaan macaamiisha ay ku leeyihii dalkaas oo gaaraya 40 Milyan.

Go’aanka maxkamadda ayaa axaddii la gaarsiiyery shirkadaha Isgaarisiinta iyo Tiknaloojiyadda ee dalka Turkiga.

15 Maalmood ka hor maxkamad ku taalla magaalada Diyar Bakar ee dalka Turkiga ayaa mamnuucday in la baahiyo kartoon ay sameysay Jariidadii Faransiiska ee Charle Hibdo ee dadka badan laga laayey.

Facebook waxa ay ka gaabsatay arrintaasi inay ka hadasho, balse waxa ay leedahay shuruuc in la joojiyo bogagga ku xadguba xeerarka dalalka.

Facebook ayaa dhowaan daabacday warbixin ku saabsan dalabaadka dowladaha caalamka uga imaanayo ee la xiriiri aqbaaraadka qofka isticmaalaha ah.

Warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay bishii January illaa June, in 1,893 warar la mamnuucay laga sameeyay gudaha dalka Turkiga.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa baaritaan ku heysa 2 wariye oo ka tirsan wargeys Mucaarid ah oo lagu magacaabo Jamhuuriya, kuwaasoo la sheegay iney soo sawireen karoonka uu sameeyey wargeyska Faransiiska ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!