Turkiga Oo Dib Dhis Ballaaran Ku Sameynaya Isbitaalka Guud Ee Hargeysa

Read Time:1 Minute, 4 Second

Hargeysa, Mareeg.com: Dawladda dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhis ku samaynayso Isbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, iyadoo uu halkaas jooga safiirka Turkiga u fadhiya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Cemalettin Kanu Turan.

Safiirka Cemalettin Kanu Turan oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciisi Xaglo-toosiye, ayaa si wada jir ah u booqday xarunta Isbitaalka Hargeysa, waxayna halkaas warbixin ay kaga dhagaysteen Agaasimaha Guud ee Isbitaalkaas, Dr. Axmed Xaji Cumar Askar, isagoo tafasiil ka bixiyay baahiya Isbitaalka ku gedaaman iyo shaqada ka socota.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Cemalettin Kanu Turan iyo wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciisi Xaglo-toosiye ayaa kormeerka kadib si wadajir ah u sheegay in Turkigu si rasmi ah u dhisi doono Isbitaalka Magaaladda Hargaysa.

Kani-torun ayaa cadeeyay in dalkiisu soo diri doono koox dhakhaatiir ah, kuwaas oo qiimayn ku samayn doonaa habka ugu sahlan ee mashruucaasi u hirgali karo, iyadoo taas kadibna si deg deg ah loo fulin doono hawlgalka dhismaha Cisbitaalka Hargaysa.

Geesta kale Wasiir Xaglatoosiye ayaa isna soo dhaweeyay dhismaha Cisbitaalka, isagoo sheegay inuu soo kordhin doono bilicda Cisbitaalka iyo adeegiisa oo kor u kaca.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan dib u dhis balaaran ku sameysay Isbitaalka Degkeer ee magaalada Muqdisho, kaasoo la filayo inuu dhawaan dib u howgalo muddo 22 sano ah kadib.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %