Turkiga: Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Khad Tareen Oo Mara Badda Hoosteeda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga: Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Khad Tareen Oo Mara Badda Hoosteeda

Istanbul: Madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa shalay ka qeybgalay munaasabad lagu furay khad tareen oo maray badda loo yaqaano Marmara hooteeda, kaasoo loogu magaca daray Marmaray, islamarkaana isku xiraya qaaradaha Aaasiya iyo Yurub.

Xafladdaas waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka Turkey Abdullah Gül, Ra’isul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan, afhayeenka Baarlamaanka Cemil Çiçek, Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha Japan Shinzo Abe, madaxweynaha Romania Victor Ponta, Wasiirka gaadiidka badda, isgaarsiinta iyo warfaafinta Binali Yıldırım, duqa magaaladda Istanbul Kadir Topbaş iyo guddoomiyaha gobolka Istanbul Hüseyin Avni Mutlu iyo safiirada dalalka caalamka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya si gooni ah ayaa loo sharfay, wuxuuna ahaa madaxweynaha kaliya ee laga marti qaaday caalanka Islaamka iyo weliba qaaradda Africa.

Furitaanka mashruuca tareenkan oo lagu magacaabo Marmaray oo isku xiridoona labad qaaradood ee Yurub iyo Asia waxaa ku baxay adduun lacageed oo gaaray $2.8 billion oo dollar, waxayna dalka Turkey u tahay riyo u romoowday, madaama 150-sanadood ka hor ay dowladdii Islaamka ee Ottaman ee ka talin jirtay dalka Turkey ay ku fikirtay qorshahaas.

Khadkaan tareen ee marayadhulka hoostiisa ayaa ballaciisa lagu sheegay 13 Mitir, waxaana la sheegay in Turkigu ka heli doonbo dhaqaale farabadan.

“Mashruucan waa riyo noo rumowday, 150 sano ka hor ayaa lagu fikiray, waana taariikh iyo qiimo ay dunidu nala wadaagi doonto” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Turkey Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlayay xafladii furtaanka mashruucaas.

Tareenkan waxaa maalinkii raaci doona 1.million oo qofood, wuxuuna u kala gooshi doonaa magaalooyinka Ayrılıkçeşme, Üsküdar, Sirkeci, Yenikapı ee qaaradda Asia iyo dhinaca Yurub ee magaaladda Kazlıçeşme, wuxuuna buuqa iyo saxmadda ka yareyn doonaa maaaladda Istanbul.

Madaxtii ka soo qeybgashay xafladda oo ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tareenkan u raacay dhowr magaalo, waxaana Ra’isul Wasaare Erdogan uu ku dhawaaqay in 15-ka maalmood ee ugu horeysa lacag la’aan lagu raaci doono tareenkan oo loo duceeyay intii uusan dhaqaaqin maanta.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!