Turkiga: Haweeney isku qarxisay saldhig boolis oo ku yaalla Istanbul * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Turkiga: Haweeney isku qarxisay saldhig boolis oo ku yaalla Istanbul

Mareeg.com: Haweeney ayaa isku qarxisay saldhig boolis oo ku yaalla degaank Sultan Ahmet ee bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Haweeneyda qaraxa fulisay ayaa la sheegay iney ku hadleysay afka Ingiriiska ayaa xirneyd indha sharer, waxeyna markii ay is qarxineysay booliska u sheegtay iney gudaha saldhiga boorso kaga tagtay.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 2 boolis ah oo mid ka mid ah markii dambe uu geeriyooday.

Ilaa iyo hadda lama sheegin heybteeda, balse waxaa la tuhmayaa in ay ka tirsaneyd urur xagjir ah oo Turkiga ka jira, kaasoo loo yaqaano Revolutionary People’s Liberation Party.

Xubin ka tirsan ururkaasi ayaa todobaadkii lasoo dhaafay weerar ku qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha Turkiga.

Ururkan oo ay argagixiso u aqoonsan yihiin Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa waxa uu horay u fuliyay weerarro dhowr ah oo la beegsaday laamaha ammaanka, iyo mid sanadkii 2013-kii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara.

Turkiga ayaa sidoo kale dhawaanahan waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah.

Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka deriska la ah ee Suuriya, ayaa kusoo fiday soohdinta Turkiga, waxaana sanadkii 2013-kii laba gaari oo miineysan ay ku qarxeen magaalada Reyhanli ee ku taalla Koonfurta dalkaasi, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

Turkiga ayaa hadda feejignaan sare ku jira, waxaana dhacdadii shalay ay muujineysaa caqabadaha dhanka ammaanka ah ee ay tahay in uu dalkaasi ka hortago.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!