Top News:-Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Maanta Is Casilay

Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay Puntland.

Wasiirka ayaa u sababeeyay is casilaadiisa arrimo shaqsiyadeed iyo culays kaga yimid xaga beeshiisa oo dalbatay inuu xilkaas iska casilayo.

Waxa uu kaloo intaas ku daray in Beeshiisa ay cabasho ka muujisay wax qeybsigii Xubnaha Aqal ka sare ee Puntland ee Garoowe lagu doortay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay intii uu lasoo shaqeeyay Puntland islaamrkaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay Madaxweynaha Puntland iyo Maamulkiisa.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia