Top News:-Shir Maanta Lagu Waday Inuu Ka Dhaco Degmada Balcad Oo Baaqday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Top News:-Shir Maanta Lagu Waday Inuu Ka Dhaco Degmada Balcad Oo Baaqday

Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay ku waramayaa in uu dib u dhacay ku yimid shir maanta halkaasi ay ku yeelan la haayeen Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan maanta ka dhici lahaa Degmada Balcad ayaa waxaa la filaayay in Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay uga hadlaan sidii nidaamka dowladdnimada lagu baahiyo ama la gaarsiin lahaa deegaanada maamulk Hirshabeelle uu ka Arrimiyo balse kulankasi waa uu baaqday kaadib markii uu imaan waayay Madaxweyne Cosoble oo qorshuhu ahaa in uu shirkaas furo.

In ka badan 20 Wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa ku sugan Degmada Balcad kuwaas oo isku soo diyaariyay kulanka.

Dhinaca kale warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in uu jiro in Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle taas oo keentay in uu kulanka baaqdo in kastoo weli Goluhu uusan shaacin sababta uu ku baaqsaday kulankooda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa dhawaan waxa uu sheegay in Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay martigelin doonto Shir maamul loogu sameynayo Gobolka Banaadir walow arintaas ay diideen Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Banaadir.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!