
Kadib markii uu ku dhawaaqay duhurnimadii maanta Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Golahiisa Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle ayaa waxaa Saacado uun kadib Magacaabistaas Iscasilay Wasiiru Dowlahii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.
Ismaaciil Maxamed Culusow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu xilkii loo Magacaabay ee ahaa Wasiiru Dowlahii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle uu iska casilay ka gadaal markii uu tilmaamay in aan lagala tashan.
Wasiirkan ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee iska Casilo Xilkii loo Magacaabay, tan iyo Markii Maanta Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu ku dhawaaqay Golahiisa Wasiiradda Cusub.