TOP NEWS:-Liiska Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare + Akhri

Waxaa lasoo saaray Liiska Musharaxiinta u tartamaya qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Qaban qaabada ee Doorashada.

Waxaa lasoo gaba gabeeyay is diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare, waxaana la diiwan geliyay ilaa iyo 16 Musharax.

Gudoomiyaha Gudiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Maxamed Faarax Dhega-juun iyo Labadiisa ku xigeen ayaa shaaciyay in ay hayaan diiwaanka 16 Musharax.

 

labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan
About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia