Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa saakay waxa ay Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Dad goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in uu dilka ka dhacay Nawaaxiga masjidka Cabdala iyo Cawareer ee ku yaall Degmada,isla markaana rag hubeysan ay rasaas la dhaceen wiilka dhalinyarada ahaa oo fadhiyay baar lagu cabo Shaaha,iyadoo durbo dilka ka dib goobta ka baxasaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi goobta ka qaaday Meydka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ninkan dhalinyada ahaa ee dilay uu ka tirsanaa Shaqaalada Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir,halka warar kale ay sheegayan in uu ahaa qof rayid ah.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilal Qorsheysan oo loo geysto askarta ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!