Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Read Time:47 Second

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo saakay gudaha degmada wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee Minishiibiyada.

Dad goobta ka agdhawaa oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Askariga lagu dilay gudaha Suuqa degmada Wadajir, waxaana Askariga uu u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhacday.

Ragii ka dambeeyay falkaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen dhalinyaro watay Bastoolado ayaa goobta uu falku ka dhacay ka baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo qaaday Meydka.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka Booliska Wadajir ee Gobolka Banaadir ay baaritaano kooban ka sameeyeen xaafado ku teedsan Suuqa degmadaas, iyagoona ku baadi goobayay ragii ka dambeeyay dilka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan oo dhalinyaro ahaa, waxaana inta badan falalkaas ka dhacay Caasimadda sheegtay Al-shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %