Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Rag hubeysnaa Bastoolado ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaas uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Suuq Bacaad, isal markaana Sarkaalka la toogaty, xili uu halkaas ku sugnaa, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa daqiiqado kadib goobta tegay, iyagoona soo qaaday Meydka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Magaca Sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Cali Caddaani, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in xiligii la dilayay aysan la socon ilaalo, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka.

Duhurnimadii shalay ayey aheyd markii Wiilal dhalinyaro lagu dilay Isgoyska laba dhagax ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, lamina oga sababta loo dilay raggaas, iyadoona Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.