Tiyeeglow oo ka xurowday Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ku guuleystay

Read Time:44 Second

Xaalada degnaansho iyo amni ayaa waxaa laga soo sheegayaa Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool oo mudo ay go’doon kusoo rogeen Xoogaga Alshabaab.

 

Maamulka Degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in Ciidamada maamulka ay ku guuleysteen in gabi ahaan go’doonkaasi ay ka qaadan Degmada.

 

Qaadista go’doonkaasi ayaa waxaa kaalin ka qaatay Ciidamada Dowlada oo caawinaayay kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

 

Maxamed Cabdulle Food Cadde oo ah Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow, ayaa sheegay in xaalada Degmada iyo koontoroolada laga dulqaaday go’doominta ay tahay mid degan waxa uuna sheegay in amaanka degmada uu yahay mid leysku haleyn karo.

 

Degmada Tiyeeglow ayaa waxaa Saarnaa go’doon, iyadoo sidoo kale ay jiraan Degmooyin kale oo ku yaalla Gobolkaasi oo si la mid ah ay Al-shabaab u go’doomiyeen.

 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in goobaha laga saaro Alshabaab ay dib ugu soo celin doonaan Adeegyadii Bulshada ee hada ka maqan.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.