Tirada Soomalida dowladda Kenya ku celisay dalkooda oo la shaaciyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tirada Soomalida dowladda Kenya ku celisay dalkooda oo la shaaciyey

Muqdisho – Mareeg.com: Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in 359 qof oo Soomaali ah Kenya dib ugu celisay dalkooda Soomaaliya tan iyo billowgii bishii April ee sanadkan oo ay billowdeen howgallada ay ciidamada ammaanka Kenya ka fulinyaan Nairobi.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in saddex qof oo ka tirsan dadkii la masaafuriyay ay haysteen warqadaha aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Hay’adda ayaa sheegtay in 20-kii bishan May ee aynu ku jirno dowladda Kenya ay magaalada Muqdisho dib ugu celisay 98 qof oo ay ku jiraan 12 carruur ah, iyadoo aan la wargelinin hay’adda UNHCR.
Gerry Simpson oo ah sarkaal sare oo hay’adda Human Rights Watch u qaabilsan daraaseynta arrimaha qaxootiga ayaa sheegay in sharci buuxo aanay ahayn in si khasab ah dadka loogu celiyo Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in ay suuragal tahay in ay dadku kala kulmaan halis ay ka mid tahay in la jirdilo ama loo gaysto dhibaatooyin kale.
Wuxuu Gerry intaas ku daray in masaafurinta dadka ee lagu celinayo goobaha aan xasilloonayn ee Soomaaliya ay muujinayso in aanay ku wanaagsanayn xuquuqdooda iyo ammaankooda.
Sarkaalka ayaa xusay in dowladda Kenya looga baahan yahay in ay u oggolaato qof walba oo la masaafurinayo in uu iska difaaco tallaabada lagu masaafurinayo ama uu magan-gelyo dalbado.
Hay’adda UHNCR ayaa sheegtay in dalka Kenya laga masaafuriyay 83 qof 9-kii bishii April ee sanadka, 91 qof oo kalena la masaafuriyay 17-kii April, halka 87 qofna ay Kenya masaafurisay 3-dii bisha aan ku jirno ee May, iyadoo 98 qof la masaafuriyay isla 20-kii May, kuwaas oo dhammaantood dib loogu celiyay Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!