Tirada Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Baledweyne Oo Krorotay & Kontoroolo La Sameeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tirada Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Baledweyne Oo Krorotay & Kontoroolo La Sameeyey

Baledweyne, Mareeg.com: Tirada dadkii ku dhintay weerarkii shalayAlshabaab ku qaadeen saldhiga booliska Baledweyne ayaa la sheegay iney ku dhowdahay 30 ruux, oo isugu jira shacab, boolis, ciidamo Jabuutiyaan ah iyo ragii weerarka ku qaaday saldhigaas.

Dadka dhintay ayaa isugu jira 7 shacab ah, 10 ka tirsan dableydii weerarka geysatay iyo 11 boolis, iyo 1 ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Jamhuuriyada Jabuuti.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Korneel Cabdi Faarax Laqanyo ayaa maanta kormeeray meelo kala duwan oo magaalada Beledweyne ah, iyadoona uu u kuur galayay xaaladda magaalada iyo sida dadka ay ugu shaqeynayaan horumarada balaaran ee ka jira magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu horeyn kormeeray rugaha Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoona kula dar daarmay ciidanka in ay u shaqeeyaan bulshadooda islamarkaana ammaanka ay sugaan si shacabka nabad ay ugu noolaadaan magaalada.

Cabdi Faarax Laqanyo intii kormeerka maanta uu ku jiray waxaa uu baro koontorool dhigay buundo Liq-liqato iyo buundo weyn halkaasi oo la dajiyay ciidamo ka shaqeeya ammaanka magaalada, kuwaa oo uu ku amray in ay baaraan gawaarida iyo dadka isaga kala gooshaya buun dooyinkaasi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka ayaa sidoo kale booqday masaajid hadda ay ka socoto dhismaha lagu sameynayo, waxaana uu wax wanaagsan ku tilmaamay dhismaha masjidka, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo ammaanka oo aan dhag jalaq loo siin falalka lagu xasuuqayo dadka shacabka oo ay geysanayaan kooxa wax magarato ah.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha waxaa uu ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka in ay ka shaqeeyaan horumarka gobolka islamarkaana meel ay uga wada soo Al Shabaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.