Mareeg.com:Dadka uu dilay cudurka Ebola ayaa sidaaday, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.
Tirooyinkii ugu dambeeyay ee soo baxayay ayaa tilmaamaya in dhimashada ka dhalatay cudurka Ebola ayaa haatan marayso 4,024 qof. 8 qof ayaa la sheegayaa in cudurka ay ugu dhinteen Nigeria iyo Mareykanka.
Madaxa Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa ku baaqay in la sameeyo khasnad gaar ah oo deg deg ah oo wax looga qabto cudurka Ebola.
Waxa uu sheegay in lacagtaas ay tahay in loogu deeqo wadammada la halgamaya cudurka. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto dhaleecayn ah in jawaabta caalamka uu ka bixiyay cudurka ay tahay mid aad gaabis u ah.
Dhinaca kale xubnaha baarlamaanka ee dalka Liberia ayaa diiday inay u codeeyaan qodob sharci ah oo madaxweynaha dalkaasi siin lahaa awood ay xaalad deg deg ah ugu soo rogto degaanada uu ka jiro cudurka.
Madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, ayaa horay deegaanada qaar ugu soo rogtay xaalad deg deg ah, oo lagu karantiilayo bukaanada qaba cudurka Ebola.
Dhanka kale khubaro caafimaad uu u dhashay UK ayaa soo saaray talaal la filayo inuu wax ka taro ka hortaga cudurka Ebola, kaasoo lagu tijaabiyey xayawaanka Daanyeerka, islamarkaana sida ay sheegeen uu ka difaacay inuu haleelo Ebola.
Khubaradan ayaa sheegaya inet talaalkaan ogolaasho uga sugayaan wadamada Miwodga Yururb iyo Mareykanka si dunida looga isticmaali karo.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.