Tirada dadka Somalia ugu geeriyooday Cudurka COVID-19 oo korortay

Read Time:53 Second

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusoo laba kacleeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saaray Wasaaradda Caafimaada Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,338 qof, isla markaana laga helay 257 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa 255 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga diiwaan-geliyay 1 Ruux, halka Hirshabeelle laga helay hal qofm waxaana dadkaas 183 kamid ah ay yihiin Rag, halka 74 qofna waa Durmar.

Sioo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa tilmaamtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay u dhinteen 15, waxaana tirada dhimasha guud ahaan dalka gaartay 194, mana la shaacin dad Maanta ka bogsaday.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 5,889 qof, halka 3,757 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafida Cudurka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.