Tirada dadka ku barakacay Colaada Tukaraq oo gaaraysa.... — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tirada dadka ku barakacay Colaada Tukaraq oo gaaraysa….

Waxaa wali xiisad dagaal ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana gacan ku heynta deegaankaan iyo guud ahaa gobolka Sool isku haya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ayaa sababtay in deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw dadkii deganaa ay isaga barakacaan, waxaa sidoo kale colaadan dhibaato kasoo gaartay dad shacab ah.

Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in xiisada dagaal ee ka jirta deegaanka Tukaraq ay sababtay in ay bakaracaan dad ka badan 12 kun oo qof.

Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya degaankaasi ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani’aadminnomo oo laga baaqsan karo.

Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wali isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in ciidamadaasi ay xili walbo isku dhici karaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!