Tirada dadka helay Cudurka COVID-19 ee Soomaaliya oo korortay

Read Time:49 Second

Dowladda Federaalka Soomnaaliya ayaa shaacisay in dad hor leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga helay Cudurka halista ah ee Coronavuirus, kadib markii dadkaas lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Warbixin kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka laga baaray 1,529 qof, isla markaana 90 qof oo kamid ah dadkaas laga helay, ka gadaal markii dhiicaano laga qaaday jirkooda, sidaasina lagu ogaaday.

Dadka laga helay Cudurka 66 kamid ah waxaa ay ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, 19 kalena laga diiwaan-geliyay Somaliland halka 4 kalena laga helay Koonfur Galbeed, waxaana rag 49, halka 41-na waa Dumar.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay ka bogsadeen 11 qof, ayna 2 dhinteen Allaha u naxatiistee.

Tirada guud ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay Cudurka halis ah ee COVID-19 ayaa gaartay 5,273, iyadoo ay ka bogsadeen 3,750, isla markaana waxaa u geeriyootay 154 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.