Telefishinka Soomaaliya oo u dabaaldegay sanad guuradii 31-aad & markii dib loo howlgeliyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Telefishinka Soomaaliya oo u dabaaldegay sanad guuradii 31-aad & markii dib loo howlgeliyey

Muqdisho – Mareeg.com: Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 31aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Telefishinka Qaranka iyo saddex sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay ayaa waxaa ka qeygalay Raiisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ururka Haweenka Qaranka, ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, Hobolada Waaberi, Xeeldheerayaal dhanka saxaafadda ah, dhamaan howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana ay heeso guubaabo ah ay ka qaadeen fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi oo ay horkocayso Fanaanadda Hibo Nuura ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaalla oo sheegay in Tv-ga Qaranka uu yahay kan ugu balaaran ee dunida laga daawado, oo ay leedahay dowlad Afrikaan ah.

“Telefishinka Qaranka waa kan kaliya ee laga daawado, 5-ta Qaaradood, sanadkii tegay waxaan horumarinay 58 xarumood, 35-ka mid ah waxa ay ku yaalaan, meelo ka baxsan Soomaaliya, 23-kalena waxa ay ku yaalaan gudaha dalka, sida aad la socotaan markii aan xusaynay sanadguurada koowaad wariyeyaal ayaa nooga dhintay, kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen oo labo ka mid ah ay hada xafladda nala joogaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale waxaa goobta hadal ka jeediyay Cabdi Xaaji Goobdoon lataliyaha dhanka Warfaafinta ee Wasiirka koowaad ee Xukuumadda, islamarkana ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii ugu horeysay ee hawada la geliyay Tv-ga qaranka 21-kii October ee sanadkii 1983, isagoo sheegay in kaalin mugleh ay ka qaateen fanaaniinta hobollada Waaberi iyo kooxaha kale ee fanka

“Runtii Telefishinka markii aan hirgelinaynay waxa uu ku ekaa Muqdisho oo kaliya, maantana waad aragtaan dunida oo dhan ayaa laga daawanayaa, marxalad adag ayaa na soo martay oo ay yareyd inta na daawanaysa, Allaha u naxariistee  Maxamed Cumar Jees oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee xilligaasi ayaan isla hadalnay, waxaana uu soo iibiyay lix kun oo Telefishin iyo lix kun oo Anteeno oo aan siinay shaqaalihii dowladda si loo daawado, marka waxaan leeyahay Xukuumadda howlwadeenada Warbaahinta Qaranka ilgaar ah loo eego” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon.

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Warfaafinta markii dib loo howlgelinayay saddex sano kahor SNTV, Cabdikariin Xasan Jaamac haddana ah Guddoomiyaha Jaamacadda City University ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib u howlgelinta Telefishinka ay qaadatay marxalado adag, isagoo xusay in markii dambe lagu guuleystay, islamarkaana hadda la sameyn karo in toos ah loo baahiyo, maadaama dalka uu haatan haysto adeeg Internet oo fiican.

Cabdikariin Xasan Jaamac ayaa yiri “Tv-ga waxa uu suurta geliyay in goobihii laga qabsaday Shabaabku ay si toos ah wariyeyaasha uga soo tebiyaan dhacdada runta ah, taasi oo runtii meesha ka saartay wararkii beenta ahaa ee ay Shabaabku ku sheegan jireen in meelihii laga qabsaday ay iyagu weli ku suganyihiin, teeda kale waxa uu doorweyn ka qaadan karaa horumarinta dalka, waxaana kula dar daarmayaa in howshooda ay halkoodii ka sii labo jibaaraan”

Canab Xasan Cilmi Gudoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Qaranka ayaa hambalyo u dirtay dhamaan howlwadeenada Wasaaradda gaar ahaan kuwa Tv-ga ka howlgalla.

“Bilad sharaf, bilad geesi haddii la bixinayo waxaa mudan howlwadeenada Telefishinka Qaranka, waxaana uu suurta geliyay in qurbo joogta ay dalkooda ku soo dhiiradaan” ayay tiri Canab.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi oo ku hadlayay magaca gudiga qaban qaabada xafladda ayaa sheegay in xaflad gaar ah ay u qaban doonaan shaqaalaha lagu abaalmarinayo howlkarnimadooda.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed oo ka mid ah gudiga Warfaafinta ee Baarlamaanak ayaa sheegay in uu soo jeedinayo in miisaaniyad gaar ah loo sameeyo shaqaalaha Telefishinka Qaranka iyo hobollada qaranka ee Waaberi, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay dulsaar ku yihiin miisaaniyadda Wasaaradda.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Seed oo ka mid ah gudigga dastuurka ee Baarlamaanka oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa xoojiyay aragtida xildhibaankii ka horeeyay, isagoo howlwadeenad ku booriyay in la kordhiyo barnaamijyada dhanka wacyigelinta ah, maadaama ay gudigooda bilaabi doonaan arrimaha federaalka.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay door ka qaadan doonto horumarinta barnaamijyada ka baxa Telefishinka, islamarkaana ay dhisayaan Machad lagu horumarinayo Afka Soomaaliga.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahin Xaaji Aadan oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ku taliyay in la balaariyo barnaamijyada looga hadlayo horumarka.

Wasiirka Warfaafinta ee Xuukuumadda, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xusay in dhaqaalaha loo qoondeeeyay Wasaaradda iyo howlaha ay qabtaan shaqaalaha aan is lahayn, isagoo hambalyo u diray dhamaan howlwadeenada Telefishinka Qaranka xuska sanadguurada awgeed.

“Mustaqbalka waxaan ka fekarayaa sidii aan u hirgelin lahayn SNTV 2 si hidaha iyo dhaqanka loogu xoojiyo, waxaana howlwadeenada ku boorinayaa inay sii dar dargeliyaan howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Ra’iisul wasaare ku-xgeen ahna Wasiirka  Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda, Ridwaan Xirsi Maxamed oo xiray xafladda ayaa sheegay in Telefishinka Qaranka uu yahay hogaanka umadda, suurta geliyayna in qurba joogta ay dalka ku soo laabtaan, waxaana uu soo dhaweeyay baaqyada ku aadan in qoondo gooni ah loo sameeyo SNTV.

“Sirta guusha Wasaaradda Warfaafinta waa dhalinyarada yar yar ee ka howlgalla xarunta Wasaaradda, waana ku faraxsanahay in shanta Qaaradood ee dunida laga daawado telefishinka Qaranka, waxaana soo jeedinayaa in lagu soo kordhiyo afafka qalaad” ayuu yiri Ra’iisul wasaare-ku-xigeenka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Ugu dambeyntii ayuu Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta waxa uu koob lagu maamuusayay sanadguurada SNTV oo shalay ka dhacday garoon ku yaalla degmada Xamar Jajab oo ay 2-0 ay guusha ku raacday cayaartooy ka tirsan SNTV, iyagoo ka adkaaday cayaartooy ka tirsan Idaacadda Goobjoog, waxaana koobkaasi la gudoonsiiyay Kabtanka kooxdaasi ahna Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Caddow, waxaana ay xafladdu ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan.

DHAMAAD 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.